Madaxweyne Farmaajo oo xulka Waaberi guddoonsiiyey Koobka degmooyinka G/Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay xulka degmada Waaberi hanashada Koobka degmooyinka gobolka Banaadir oo sannadkii 2-aad oo xiriir ah ay ku guuleysteen.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ammaanay xulka degmada Shibis dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay ugu soo dhabar adayggeen in ay soo gaaraan ciyaarta kama dambeysta ah.

Madaxweyne Farmaajo oo shahaadooyin maamus ah guddoonsiiyey qaar ka mid ah taliyeyaasha Ciidanka Booliska ee ku hawlannaa tartanka tan iyo markii uu bilowday, ayaa ku bogaadiyey sida ay u muujiyeen nabadda iyo horumarka Caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa u mahadceliyey wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha, masuuliinta heer Federaal iyo heer gobol  ee ka qeyb qaatay qabsoomidda Koobka degmooyinka gobolka Banaadir.

Ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banadir oo xilli habeennimo ah la qabtay ayaa waxaa ka soo qeyb galay daawashadeeda kumannaan shacab ah, iyadoona kooxda degmada Waaberi ay 1:0 kaga guuleysatay xulka degmada Shibis.