Madaxweyne Gaas iyo Wakiilka QM ee Soomaaliya oo kulan yeeshay

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Magaalada Garowe kulan kula qaatay Wafdi ka socday Qaramada Midoobey oo maanta gaaray Magaaladaasi.

Gaas iyo Keating oo si wadajir ah ula hadlay Warbaahinta kulanka ka dib ayaa waxa ay sheegeen in ay ka wadda hadleen sidii loo horumarin lahaa Soomaaliya.

Gaas ayaa sheegay in ay ka wadda hadleen arrimaha Siyaasadda iyo Horumarinta Puntland.

Waxaa uu sheegay in ay kulankooda ay diiradda ku saareen Xaaladda Soomaaliya.

Keating oo dhankiisa la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in uu Madaxweyne Gaas uu kala hadlay sidii loo joojin lahaa Colaadda ka taagan degaanka Tukaraq.

Waxaa uu sidoo kale uu sheegay in uu Puntland ay ka taageeri doonaan dhanka Ammaanka,islamarkaana ay diiradda Saareen sidii taageero loo siin lahaa Ciidamada Puntland.