Madaxweyne Gaas oo ku soo wajahan Magaalada Garoowe

Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal waxaa Maanta kusoo wajahan,isla markaana dib ugu soo laabaya Maxweynaha Maamulkaas Cabduweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa dalka Biljamka uga qeyb galay shirkii looga hadlayye Arrimaha Soomaaliya,waxana sidoo kale uu safari ku kala tegay Wadamada Turkiga iyo Kenya.

Markii uu dib ugu soo laabto Madaxweynaha Puntland Magalada Garoowe ayaa waxa uu ka hadli doonaa shirkii Biljamka uu uga qeyb galay iyo qorshaha dagaal ee Puntland ku dooneyso in ay kula wareegto deegaano ka tirsan gobolka Sool.

Madaxweynaha Puntland ayaa haatan waxa uu ku sugan yahay Magalada Nairobi ee dalka Kenya,waxana qaban qaabada soo dhaweyntiisa ay ka socotaa Magalada Garoowe.