Madaxweyne Gaas oo magacaabay Taliyaha guud ee Ciidamada Puntland

Madaxweynaha Maamulka  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28 October 2018 magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland.

Xeer Madaxweyne Lr.157 October 28, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo Khibradiisa shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa S/Guuto Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen loo magacaabay Taliaya Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.
  2. Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.