Madaxweyne Gaas Oo Shacabka ugu baaqay in Ay lashaqeeyan Hay’addaha Ammaanka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku amray Hay’addaha Ammaanka maamulka Puntland in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah,maadaama ay jirto Cabsidda ku aadan in Shabaab iyo Daacish ay Puntland weerar kusoo qaadaan.

Waxaa uu laamaha Amniga maamulka Puntland  u sheegay in ay muhiim tahay in adkeeyaan Amniga gobolka Bari oo inta badan ay ka dhacaan weeraro iyo dilal qorsheysan.

Madaxweyne Gaas oo hadda ku sugan Magaalada Boosaaso, waxaa uu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’addaha Ammaanka Puntland si looga hortaggo dilalka qorsheysan.

Ammaanka Magaalada Boosaaso ayaa faraha ka baxay bilihii lasoo dhaafay ka dib markii halkaasi siyaabooyin kala duwan loogu dilay dhalinyaro, Waxgarad iyo Ganacsato.