Madaxweynaha Galmudug, ayaa kulan muhiim ah la qaatay guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee maamulka, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo mudnaan gaar ah u leh dowlad-dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, iyo xaaladda guud ee deegaannada.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda abaaraha ee ka jira qeybo kamid ah Galmudug iyo saameynta ay ku yeesheen nolosha bulshada, gaar ahaan xoolo-dhaqatada iyo dadka ku tiirsan wax-soo-saarka beeraha. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay masuuliyiinta heer gobol iyo degmo dadaalka ay muujiyeen, gaar ahaan sida ay uga jawaabeen xaaladaha bani’aadantinimo, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha gargaarka, bulshada rayidka ah, iyo ganacsatada si loo yareeyo saameynta abaaraha.
Sidoo kale, arrimaha amniga ayaa qayb weyn ka qaatay ajandaha kulanka, iyadoo Madaxweynaha uu faray guddoomiyeyaasha in ay laba jibbaaraan dadaallada sugidda amniga, la shaqeeyaan laamaha ammaanka, isla markaana xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin bulshada si looga hortago falalka amni-darro. Wuxuu tilmaamay in amniga iyo horumarku ay si dhow isugu xiran yihiin, ayna muhiim tahay in la ilaaliyo nabadda si loo gaaro horumar waara.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa si cad u faray guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo gobollada in ay si buuxda ugu diyaar garoobaan doorashooyinka soo socda, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in doorashooyinku ku dhacaan si hufan, xor iyo xalaal ah. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay in la wacyigeliyo bulshada si ay uga qeyb qaataan geeddi-socodka doorashooyinka, isla markaana ay la shaqeeyaan guddiyada doorashooyinka ee la filayo inay gaaraan deegaannada.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad iyo go’aanno wax ku ool ah oo ku saabsan xoojinta wada-shaqeynta heerarka kala duwan ee maamulka, si loo dardargeliyo dowlad-dhiska, loona xaqiijiyo adeegyo hufan oo ay helaan shacabka ku nool Galmudug. Madaxweynaha ayaa ku booriyay dhammaan masuuliyiinta inay muujiyaan hoggaan wanaagsan, isla markaana ay si daacadnimo iyo mas’uuliyad leh ugu adeegaan shacabka.