Madaxweyne Ku Xigeenka Cusub Ee Puntland Oo loo doortay Axmed Cilmi Karaash

Waxaa Goordhow soo geba gaboobay tirinta Codadka wareega Saddexaad ee doorashada Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay ku tartameen labada Musharax oo kala ahaa Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan).

66 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa codkooda dhiibanayay,waxaana xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland ku guuleystay Axmed Cilmi Cismaan Karaash ,waxaana codadka ay u kala heleen sidatan.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash  ayaa  47 Cod

Iyo  Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) 19 Cod

Axmed Cilmi Cismaan Karaash   ayaa 5-ta Sana ee soo socota waxaa uu heyn doona xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland,hadii aan isbedel kale imaan,waxan goobta doorashada ku sugnaa,Xildhibaano ka socda Dowladda Federaalka iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka.