MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND OO FURAY SHIRKA TIKNOOLIJIYADDA PUNTLAND.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland MudaneH.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa furay Shirka Tiknoolijiyadda Puntland oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland, shirkan oo ah mid sanadkiiba mar la qabto, ayaa halku dhiggiisu ahaa “Dardargelinta isbadal Tignoolojiyadeed oo Ammaan ah”.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa khudbadiisa furitaanka ee shirka uga hadlay muhiimadda ay Tiknoolijiyadu u leedahay horumarka Dowladnimo, waxa uu xusay sida dowladda Puntland ay uga go’antahay horumarinta iyo casriyeynta Tiktoonalijiyadda, iyadoo looga faa’idaysanayo kobcinta hufnaanta maamulka, tayaynta adeegyada dadweynaha iyo adkaynta Amniga.
Madaxweyne ku-xigeenku, waxa uu Wasaaradda Warfaafinta ku bogaadiyay joogtaynta Shirkan oo sanadkiiba lagu soo bandhigo isbedelka Tiknoolijiyadda iyo siyaabaha ugu wanaagsan ee ay uga faa’ideysan karaan bulshooyinku, isaga oo booqday Adeegyada tiknoolijiyadda ee lagu soo bandhigay qeybta carwada ee munaasabadda .
Munaasabadda waxaa Madaxweyne ku-xigeenka kala qayb galay, golayaasha Dowladda, Hay’adaha ku shaqo leh arrimaha Tiknoolijiyadda, Warbaahinta, Shirkadaha Isgaarsiinta, Khuburo Aqoon u leh Tiknoolijiyadda iyo masuuliyiin kale.