Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari oo Xarigga Ka Jaray Xarunta Cusub ee Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta si rasmi ah xadhigga uga jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, taas oo loo dhisay si loo xoojiyo adeegyada wasaaradda iyo habsami u socodka howlaha la xiriira dekedaha iyo gaadiidka badda.

Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari, Wasiiro ka tirsan xukuumadda, Xildhibaano, iyo masuuliyiin kale oo heerar kala duwan ah, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyay dhismaha xaruntan cusub iyo doorka ay ka qaadan doonto horumarinta adeegyada badda.

Intii uu munaasabadda ka hadlayay, Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda ay Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda u leedahay bulshada Waqooyi Bari, isaga oo xusay in wasaaraddu ay laf-dhabar u tahay horumarinta ganacsiga, isku-xirka dekedaha, iyo kobaca dhaqaalaha gobolka.

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu carrabka ku adkeeyay in xaruntan cusub ay gacan weyn ka geysan doonto kor u qaadidda hufnaanta shaqada wasaaradda, isla markaana ay fududeyn doonto adeegyada loo fidiyo ganacsatada iyo bulshada isticmaasha gaadiidka badda.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari ayaa sheegay in Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda ay door muhiim ah ka qaadan doonto shaqo-abuurka, isla markaana ay si muuqata u kordhin doonto ilaha dhaqaalaha ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah dadaallada xukuumadda ee lagu gaarayo horumar waara iyo isku-filnaansho dhaqaale.