Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa baahiyay qoraal uu kaga jawaabayo hadallo Trump uu ka sheegay Soomaaliya.
Cali Daahir Ciid ayaa yiri: “Maanta Soomaaliya waxaa ka talisa dowlad si caalami ah loo aqoonsan yahay, taas oo hadda hoggaamineysa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana maamusha hay’ado amni oo badan kuwaas oo si guul leh u soo afjaray burcad-badeednimadii mar ka jirtay baddeeda”.
Wuxuu intaa ku daray madaxweyne ku xigeenka Galmudug, in Trump yahay burcad-badeedka ugu weyn ee maanta dunidu wajaheyso.
“Madaxweyne Trump wuxuu noqday burcad-badeedka ugu weyn ee waayahan casriga ah, isagoo xoog ku qaadatay shidaalka Venezuela iyo Ruushka iskun aqarinaya awood siyaasadeysan,”
Cali Daahir Ciid ayaa madaxweynaha Mareykanka ku tilmaamay nin ku guuldaraystay hoggaaminta dalkiisa dhaawacna u gaystay sumacdda Mareykanka.
“Waa inaad is casishaa ama aad wajahdaa xil-ka-qaadis “ ayuu yiri Cali Dahair Ciid Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug.
Hadalka ayaa imaanaya xilli madaxweyne Trump uu dhowr jeer dalka Soomaaliya ku tilmaamay dal aan dowlad laheyn isla markaana caan ku ah musuq, burcad-badeednimo iyo nidaam la’aan baahsan.