Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo gaaray Gaalkacyo kulana laqaatay Wafdi ka socda QM.

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo wafdi uu Hogaaminayay oo ay kamid ahaayeen Wasiiro, Saraakiil iyo xubno kale oo katirsan Madaxtooyada Galmudug ayaa maanta Gaaray Magaalada Gaalkacyo.

Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka ayaa Kulan la qaatay Xubno ka socda Qaramada Midoobe, waxayna ka wada hadleen sidii Gurmad ay u heli lahaayeen dadka ku dhibaateysan Gobolka Mudug, gaar ahaan dhanka Galmudug.

Labada dhinac ayaa isla meel dhigay sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka gurmadka u baahan ee saameynta ku yeelatay Abaarta ku dhufatay Deegaanadooda.

Waxayna isla soo hadal qaadeen sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa qoysaska ku Xoolo beelay Abaarihii is xig-xigay ee Gobolka Mudug ka dhacay.

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug ayaa dhanka Odoyaasha dhaqanka, Maamulka Gobolka Mudug, Kan Magaalada Gaalkacyo, iyo ururada Bulshada la qaadan doono Kulamo uu kala tashan doono sidii gurmad loo gaarsiin lahaa Dadka Barakacay.

Gobolka Mudug waxaa deegaano fara badan ka barakacay Qoysas u badan Xoolo dhaqato, kadib markii ay ku xoolo beeleen abaarta, si ay ugu bad-baadsaan tirada yar ee u bad-qabta