Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo loo doortay Cali dahir Ciid

Waxaa goordhow Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda galmudug kusoo geba-gabowdey doorashada Madaxweyne kuxigeenka Dowlad goboleedka Galmudug oo wareega labaad ay ku tartameen laba musharax.

Musharixiinta wareega labaad ku tartamay ayaa waxaa ay kala ahaayeen Cali Daahir Ciid iyo Cabdi Qani Sheekh Cali Diini,waxana xilka madaxweyne kuxigeenka Galmudug ku guuleystay Cali Daahir Ciid.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in Cali Daahir Ciid uu helay 46 Cod halka Cabdi Qani Sheekh Cali Diini uu helay 31 Cod,sidasina uu ku guuleystay Cali Daahir Ciid.