Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid, oo safar shaqo ku jooga qaaradda Yurub, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada London ee dalka Boqortooyada Ingiriiska London.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa halkaas kula kulmay masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka UK, iyo sidoo kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan London, kuwaas oo uu warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dalka iyo dadaallada dowlad-goboleedka Galmudug ee dhinacyada horumarka, amniga iyo dib-u-heshiisiinta.
Intii uu ku sugnaa magaalada London, Madaxweyne Cali Daahir Ciid ayaa sidoo kale xarigga ka jaray xafiis cusub oo ay sameysatay Jaaliyadda Soomaaliyeed. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhexeeya jaaliyadda iyo maamulka Galmudug.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bulshada Soomaaliyeed ee uu la kulmay ku dhiirrigeliyay in ay xoojiyaan iskaashiga, wadajirka iyo garab istaagga ay u muujinayaan dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in qurba-joogtu ay door muuqda ka qaadato horumarinta dalka.
Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka maamulka Galmudug iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dibadda, si loo dhiirrigeliyo wada shaqayn iyo is-dhaafsi joogto ah oo ku saleysan horumar iyo midnimo.