Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta kormeeray ku tagay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, waxana halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradaasi Mudane Axmed Jaamac Barre, Agaasimaha Guud Dr. Shucayb Boqor Cismaan (Buurmadow) iyo Shaqaalaha Wasaaradaasi.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa mid mid u kormeeray waaxaha kala duwan ee ay Wasaaraddu ka kooban tahay iyo sida ay shaqadu uga socoto.
Intaas kaddib, Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu Xafiiska Wasiirka kulan kula qaatay Wasiirka iyo Agaasimaha Guud; waxaana ay Madaxweyne ku-xigeenka uga xog warrameen hab-sami-u-socodka shaqooyinka muhiimka ah ee ay Wasaaraddu uga masuulka tahay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.