Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland, Mudane Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu xusay Maalinta Bini’aadantinimada Adduunka, taas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ee Maamulka Puntland.
Munaasabadda waxaa kasoo qayb galay wakiillo ka socday qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha Maamulka Puntland, bah-wadaagta bani’aadantinimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Xuska ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay xoojinta wadajirka, iskaashiga iyo awood-siinta bulshada deegaanka, gaar ahaan sidii kor loogu qaadi lahaa doorka bulshada ee ka qaybqaadashada howlaha bani’aadantinimo iyo gurmadka xaaladaha degdegga ah.
Intii ay munaasabadda socotay, waxaa lagu soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in bulshada loo diyaariyo sidii ay uga jawaabi lahayd xaaladaha degdegga ah iyo masiibooyinka dabiiciga ah, iyadoo la xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya Maamulka, hay’adaha gargaarka iyo bulshada deegaanka.
Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland, Mudane Ilyas Osman Lugatoor, ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ku xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada shaqaynta u dhaxaysa Maamulka Puntland iyo hay’adaha bani’aadantinimada.
Mudane Lugatoor ayaa sheegay in loo baahan yahay in mudnaanta la siiyo baahiyaha dhabta ah ee bulshada, gaar ahaan dadka nugul iyo kuwa ay saameeyeen abaaraha, fatahaadaha, barakaca iyo xaaladaha kale ee bani’aadantinimo.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in xal waara looga baahan yahay caqabadaha bani’aadantinimo, taas oo u baahan iskaashi joogto ah, qorsheyn iyo in bulshada deegaanka laga qaybgeliyo dadaallada gurmadka iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ugu dambeyn ku booriyay dhammaan dhinacyada ay khusayso inay sii xoojiyaan wada shaqaynta iyo isku-duwidda howlaha gargaarka, si loo hubiyo in taageerada bani’aadantinimo ay gaarto dadka sida weyn ugu baahan, loona dhiso bulsho awood u leh inay si wanaagsan uga jawaabto xaaladaha degdegga ah.