Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa daah-furay Shirweynaha Horumarinta Arrimaha Diinta oo ka furmay magaalada Garoowe.
Shirweynahan oo ah kii 4-aad oo sannadle ah waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Caddaalada, Dastuurka, Arriimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Puntland, waxaana looga hadlayaa arriimo ay ka mid yihiin:
Nidaaminta iyo horumarinta dugsiyada qur’aanka Kariimka ah iyo goobaha kale ee diinta lagu barto
Doorka culimada ee xoojinta Nabadda, Amniga iyo Nidaamka Dowliga ah.
Xal u helidda aafada iyo anshax xumada ka dhalata isticmaalka khaldan ee baraha bulshada.
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Osmaan Lugatoor, ayaa bogaadiyay qabsoomidda Shirweynahan, isagoo xusay in dowladda Puntland ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta Arrimaha diinta, doorka culimada iyo anshaxa bulshada, si loo helo bulsho dhisan oo dhankasta ka horumarsan.
Ugu danbayn, ku-simaha Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta culimada, hay’adaha dowladda iyo bulshada, si loo xoojiyo wacyigelinta, nabadgelyada iyo arrimaha horumarinta ee Diinta.