Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta goobjoog ka noqday munaasabad lagu dhaarinayey Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta ee Dhinaca Difaaca, Fu’aad Warsame Maxamed (Xanaano), taas oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe.
Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa dhaariyey Garsoore Siciid Axmed Faarax, oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, hay’adaha amniga iyo marti sharaf kale.
Dhaarinta Wasiir-Dowlaha cusub ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Puntland ay ku xoojinayso hay’adaha amniga iyo dib-u-habeynta laamaha difaaca, si loo kordhiyo tayada adeegyada amniga iyo xasilloonida deegaannada Puntland.
Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa ku bogaadiyey Wasiir-Dowlaha cusub xilka loo igmaday, iyagoo ku boorriyey inuu si hufan uga shaqeeyo waajibaadka qaran ee loo xilsaaray, gaar ahaan dhinacyada amniga, dib-u-heshiisiinta iyo barnaamijyada DDR-ta ee la xiriira dib-u-dhiska iyo xasilinta bulshada.
Dowladda Puntland ayaa muddooyinkii dambe wadday dadaallo lagu xoojinayo awoodda hay’adaha amniga iyo horumarinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo amni waara, iyadoo magacaabista iyo dhaarinta masuuliyiintan cusub ay qeyb ka tahay qorshahaas lagu tayeynayo maamulka iyo hoggaaminta laamaha amniga.