“Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Ka Qayb-galay Isu Soo Bax Roob-doon ah”

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor , ayaa ka qayb-galay isu soo bax Roob doon ah oo Eebbe lagu waydiisanayo raxmaddiisa, maadaama dalka ay ka jirto abaar saamayn ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada.
Isu soo baxaan Roob doonka ah oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caddaalada Dastuurka Arimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland,kana ka qabsoomay garoonka Mire-Awaare ee magaalada Garoowe, waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinaayey, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dawladda, culimo, Isimo, haween iyo dadweyne kale.
Madaxweyne ku xigeenka, ayaa masuuliyiinta, culimada iyo shacabka ku booriyey badinta baryada Eebbe, isu-naxariishada dhexdeena ah iyo in si weyn loo garab istaago dadka abaartu saamaysay.