Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoorr, ayaa maanta daah-furay Shirka qorshaha 4-aad ee horumarinta Dowladda Puntland (2026-2030), kaasi oo si cilmiyeeysan loogu soo bandhigay faahfaahinta qorsheyaasha horumarin ee Puntland u yaalla 5-sano ee soo socota.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay Qorshaha horumarinta Dowladda Puntland ee 5- sano oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Qorsheynta, kaasi oo sanadka hal-ku-dhig looga dhigay “Tiigsiga Dowladnimo loo dhan yahay & Puntland barwaaqo ah oo isku filan”.
Wasaaradda qorsheynta ayaa faahfaahisay 5-ta Tiir ee ugu muhiimsan qorshaha horumarinta 4-aad ee Dowladda Puntland kuwaasi oo kala ah : – 1. Tiirka Siyaasadda loo dhanyahay & Dowlad wanaagga, 2. Tiirka Sinaanta caddaaladda, dib u habaynta amaanka iyo sareynta sharciga 3. Tiirka Horumarinta dhaqaalaha, 4. Horumarinta Bulshada, 5. Illaalinta deegaanka iyo Isbedelka cimilada.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wafdi ka socda Midowga Europe, dalalka Norway, Denmark, Sweden, Switzerland, Bangiga Adduunka, Madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwo kale oo caalami ah, Madaxda hay’adaha maxaliga ah ee Puntland, qaarka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, qaybo ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka Puntland, agaasimaasha hay’adaha Dowladda, xubno ka socda hay’adaha Garsoorka, Madaxda Guddiga doorashooyinka DPL, masuuliyiinta Bangiga Dowladda DPL, Ganacsatada, Culimaa’udiinka, Qurbo-joogta, Dhallinyarada iyo Haweenka .