Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Qaabilay Wafdi ka Socda Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM)

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), kaas oo uu hoggaaminayay Madaxa xafiiska hay’adda ee Puntland, Faysal Maxamuud.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray mashaariicda kala duwan ee ay hay’addu ka waddo Puntland, gaar ahaan kuwa la xiriira arrimaha barakacayaasha, dib-u-dejinta, horumarinta bulshada, iyo taageerada dadka nugul. Labada dhinac ayaa isla falanqeeyay sida loo horumarin karo mashaariicdaas, loona gaarsiin karo bulshada u baahan si hufan oo wax ku ool ah.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga hadlay xoojinta wadashaqeynta ka dhaxeysa Dowladda Puntland iyo hay’adda IOM, iyadoo la isku raacay in la kordhiyo iskaashiga dhinacyada qorsheynta, hirgelinta, iyo la socodka mashaariicda socda iyo kuwa mustaqbalka.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay hay’adda IOM doorka ay ka qaadato taageerada bulshada Puntland, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay diyaar u tahay inay sii xoojiso wada shaqeynta si loo gaaro horumar waara.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Madaxa la socodka mashaariicda iyo hawlfulinta dowladda, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata isku dubaridka iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed.

Ugu dambeyn, kulankan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah dardargelinta mashaariicda horumarineed iyo xoojinta xiriirka u dhaxeeya Dowladda Puntland iyo hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM).