Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Qaabilay Wafdi ka Socday Hay’adda Save the Children

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Save the Children, oo uu hoggaaminayay Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Maxamuud Xasan, iyo mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Hay’adda ee Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Puntland iyo Hay’adda Save the Children, iyo sidii loo horumarin lahaa hawlaha iyo mashaariicda hay’addu ka waddo deegaannada Puntland.

Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha la xiriira ilaalinta iyo u doodista xuquuqda carruurta, horumarinta adeegyada caafimaadka, iyo sidii loo kordhin lahaa taageerada loo fidiyo carruurta iyo qoysaska u baahan adeegyada aasaasiga ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa soo dhaweeyay wafdiga, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha samafalka iyo maamulka, si loo dardargeliyo adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Puntland.

Dhanka kale, wafdiga Save the Children ayaa sheegay inay ka go’an tahay sii wadidda iyo ballaarinta hawlaha ay ka wadaan Puntland, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, daryeelka carruurta iyo horumarinta adeegyada bulshada.