Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo shir guddoomiyey kulan looga hadlay Mashruuca Bulsho

Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland, Mudane Ilyas Osman Lugatoor, ayaa shir-guddoomiyey kulan heer Wasiirro ah oo looga hadlay dardargelinta iyo hirgelinta shaqooyinka Mashruuca Bulsho, kaas oo loogu talagalay horumarinta iyo tayeynta adeegyada bulshada ee degmooyinka Puntland.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo ay wasaaradahoodu xiriir la leeyihiin Mashruuca Bulsho, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha maamulka iyo sidii loo dardargelin lahaa waxqabadyada qorshaysan ee mashruuca.

Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah looga hadlay sidii wasaaradaha ay khuseyso Mashruuca Bulsho ay uga wada shaqeyn lahaayeen fulinta qorshayaasha horumarineed, iyadoo la doonayo in waxqabadyada mashruucu si hufan uga hirgalaan degmooyinka kala duwan ee Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay isuduwidda hay’adaha maamulka, isla-xisaabtanka iyo wada shaqeyn hufan, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha Mashruuca Bulsho ay u socdaan si waafaqsan ujeeddooyinkii loo dejiyey.

Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in khayraadka iyo maalgelinta loo qoondeeyay mashruuca si mas’uuliyad leh loo maareeyo, looguna beddelo adeegyo iyo mashaariic horumarineed oo si muuqata uga faa’iideysan kara bulshada ku nool degmooyinka Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sidoo kale ku boorriyay wasaaradaha iyo hay’adaha maamulka ee ku lugta leh mashruuca inay xoojiyaan wada shaqeyntooda, isla markaana ay yeeshaan hannaan cad oo lagu kala leeyahay masuuliyadda, laguna cabbiro horumarka laga gaarayo hawlaha mashruuca.

Mashruuca Bulsho ayaa muhiimad gaar ah u leh dadaallada lagu horumarinayo degmooyinka Puntland, iyadoo la doonayo in bulshada loo fududeeyo helitaanka adeegyo aasaasi ah iyo mashaariic horumarineed oo wax ka tari kara baahiyaha jira.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Maamulka Puntland ay ku dardargelinayso fulinta mashaariicda horumarineed, iyadoo xoogga la saarayo in qorshayaasha maamulka loo beddelo waxqabad la taaban karo oo si toos ah uga muuqda nolosha bulshada.