Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta shir-guddoomiyey Shirka Guddiga Abaaraha ee Puntland, kaas oo looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira deegaanno badan oo ka mid ah Puntland, iyo sida ay u socdaan howlaha gurmadka degdegga ah.
Kulanka ayaa guddigu isku dhaafsaday xog-wareysi iyo warbixinno ku saabsan heerka ay marayaan dadaallada wax-ka-qabashada abaarta, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha diyaarsan ee lagu xoojinayo gurmadka.
Guddiga Abaaraha Puntland ayaa kulanka kusoo bandhigay in abaarta ka jirta Puntland ay saameysay dad gaaraya ku dhowaad 1.2 milyan oo qof, kuwaas oo u baahan gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah. Waxaa sidoo kale la sheegay in xaaladdu si weyn u saameysay nolol-maalmeedka bulshada reer miyiga iyo xoolo-dhaqatada.
Guddigu waxa uu faahfaahin ka bixiyey tallaabooyinka horudhaca ah ee Dowladda Puntland ay qaaday, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
-
Dayactir iyo dib-u-habeyn lagu sameeyey 103 ceel-biyood.
-
Raashin iyo lacago caddaan ah oo la gaarsiiyey qoysaska ay abaartu saameysay.
-
Daaweyn iyo daryeel loo fidiyey kumanaan xoolo ah oo isugu jira geel, ari iyo lo’, si looga hortago khasaare baahsan.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay si rasmi ah uga bilaabayso dhammaan degmooyinka iyo gobollada biyo-dhaamis dhameystiran, si biyo nadiif ah loo gaarsiiyo dadka ku nool deegaannada ay abaartu sida daran u saameysay.
Dowladda Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqday hay’adaha samafalka, ganacsatada iyo shacabka Puntland in ay gacan ka geystaan gurmadka iyo taageerada dadka tabaaleysan.