Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Caddaaladda

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Cadaaladda JSL, waxana halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Shaqaale weynaha Wasaaraddaasi.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa ugu horrayn xadhiga ka jaray dhisme cusub oo casri ah oo lagu soo kordhiyey Wasaaradda Caddaaladda.
Intaa kaddib, Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu soo kormeeray waaxaha iyo xafiisyada ay ka kooban tahay Wasaaraddu.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL, Mudane Yoonis Axmed Yoonis oo halkaasi ugu ka hadlay ayaa Madaxweyne ku-xigeenka uga xog warramay shaqada iyo hawlaha muhiimka ah ee ay Wasaaraddu uga wakiilka tahay Qaranka Somaliland.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaas ka hadlay ayaa masuuliyiinta Wasaaradda Caddaaladda ku bogaadiyey shaqada ay Qaranka u hayaan, waxana uu yidhi:
“Farxad gaar ah ayay maanta ii tahay in aan joogo Wasaaradda Caddaaladda JSL oo shaqo weyn bulshada u haysa. Waxa aan idinkula dardaarmayaa madaama aad Wasaaradaha kale ka duwan tihiin in aad shaqada Qaranka sii laban laabtaan.”