Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Oo Xil loo Magacaabay

Dowladda Soomaaliya ayaa Safiir u Magacowday  Madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey.

Camey ayaa loo Magacaabay Safiiir sidda ay xaqiijiyeen Wasiiro ka mid ah dowladda Soomaaliya laakiin si rasmi ah wali looma xaqiijin dalka uu ka shaqeyn doono.

Camey ayaa lagu xasuustaa in uu garab istaagay dowladda dhexe ee Soomaaliya markii uu taagnaa Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda, waxaana uu ku guuldareystay in uu markale Madaxweyne ku xigeen ka noqdo maamulka Puntland.