Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Soo Dhoweyey Doorashadii ka dhacaday Koonfur Galbeed iyo Bilaabista Diiwaangelinta iyo karar qaybinta Galmudug
Waxaan halkan ku bogaadinaynaa, kuna soo dhoweynaynaa horumarrada muhiimka ah ee laga gaaray geedi-socodka dimuqraadiyadda ee dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
Tallaabooyinkan waxay markhaati u yihiin rabitaanka shacabka iyo dadaalka madaxda ee ku aaddan xoojinta dowladnimada.
1. Doorashada Koonfur Galbeed
Waxaan si diiran u soo dhoweynaynaa qabashada doorashada Koonfur Galbeed, taas oo fure u ah xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka degaanka.
Waxaan aamminsannahay in doorasho xalaal ah oo ku dhacda jawi nabdoon ay tahay jidka keliya ee lagu gaari karo horumar waara iyo metelaad dhab ah.
2. Diiwaangelinta Galmudug
Sidoo kale, waxaan bogaadinaynaa bilowga hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee Galmudug. Tani waa tallaabo geesinnimo leh oo loo qaaday dhanka nidaamka “Qof iyo Cod”, kaas oo muwaadin kasta siinaya fursad uu ku go’aansado masiirkiisa hoggaamineed.
Home Wararka Maanta Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug oo Taageeray Doorashada Qof iyo Codka ah ee laga...