Madaxweyne Laftagareen iyo Saraakiisha Ciidamada Dowlada oo kulan Xasaasi ah ka yeeshay Wajiga 2aad ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa qaabilay saraakiisha guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu kala hadlay u diyaar garowga bilaabashada wajiga 2-aad ee dagaalla Dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta.

Kulanka ayaa ka dhacay degmada Xuddur ee gobolka Bakool oo uu labadii maalin ee la soo dhaafay ku sugnaa Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

diyaar garow dagaalka looga xorreynayo deegaanada ay ku harsan yihiin kooxda khawaarijta ayaa ka socda dowlad goboleedyada, iyadoo go’aanaddii lagu gaaray madasha wadatashiga Qaran ay kamid ahayd dardargalinta dagaalka dalka looga saarayo kooxda cadowga ah ee khawaarijta Shabaab. dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaana guda galay wajiga  labaad ee dagaalka, iyadoo wajiga koowad ee dagaalka kooxda argagixisada looga saaray magaalooyiin ay ku sugnaayeen in ka badan.