Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray magaalada Baydhabo.
Kulankan muhiimka ah ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo geeddi-socodka doorashooyinka dalka, gaar ahaan diyaar-garowga doorashada qof iyo cod ee la filayo in laga hirgeliyo Soomaaliya.
Madaxweyne Laftagareen iyo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa kulankooda si qoto dheer uga wada hadlay arrimo la xiriira:
-
Hormarinta iyo habsami u socodka hawlaha doorashooyinka
-
Wadatashi ku saabsan doorka maamulka Koonfur Galbeed ee geeddi-socodka dimuqraadiyadda
-
Qiimeynta diyaar-garowga farsamo iyo mid amni ee qabashada doorashooyinka
-
Xoojinta iskaashiga u dhexeeya Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Maamul Goboleedyada
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed soo dhaweynta diirran, isagoo tilmaamay in socdaalkoodu yahay mid lagu xaqiijinayo diyaar-garowga guud ee doorashooyinka iyo sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen fursad ay codkooda ku doortaan hoggaankooda.
Madaxweyne Laftagareen ayaa dhankiisa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalka loo jiheeyo dimuqraadiyad buuxda, isla markaana la helo doorasho hufan oo ka tarjumeysa rabitaanka shacabka.
Kulankan ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii wadidda wada-shaqeynta iyo dardargelinta hawlaha la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka iyo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda dalka.