Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Kulmay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Imaaradka Carabta+sawiro

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo  Maalin ka hor gaaray Imaaraadka welina ku sugan dalkaas ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka  dalkaas Zayed bin Khalifa Al Nahyan.

Labada masuul ayaa kulankooda waxa ay uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Maamulka soomaaliland xili ay taagan tahay xiisadii ka dhalatay heshiiskii Dekada Berbera.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Barta uu lu leeyahay Twitter-ka waxa uu ku qoray in kulankas looga hadlay arrimo la xiriira Imaaraadka iyo Soomaaliland kaliya

“Kulankeena waxa uu ahaa mid an uga wada hadalnay wadashaqeynta labadeena iyo sidii loo xoojin lahaa oo ujeedka safarkeena ee imaaraadaka uu ku qotomay,waxana uu ku dhamaaday isf-afgarad ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi”

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa safar deg deg ah waxa uu ku tegay Magaalada Abuu Dubai ee Wadanka Imaaradka Carabta,kadib markii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ansixiyeen Xeerkii dalka looga mamnuucay Shirkada DP World ee laga leeyahay Imaaraadka.