Madaxweyne Muuse Biixi oo Puntland ku eedeeyay hurinta colaada Tukaraq

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay booqasho aan lasii shaacin ku tagay deegaanka Tukaraq  oo ay Ciidamo Maamulka Puntland iyo Somaliland isku hor fadhiyaan ayaa ka sheegay in Somaliland ay had iyo jeer diyaar u tahay in colaadaan ka dhaxeeysa labbada dhinac  lagu xaliyo geed hoostiisa.

Hase ahaatee booqasahadaasi uu madaxweyne Muuse Biix ku tagay deeganka Tukaraq ayaa waxaa ka dhalatay xiisad kale oo dagaal iyadoo wararka laga helaayo deegaankaasi ay sheegayaan in habeenkii xalay ahaa rasaas ay is weydaarsadeyn ciidamada isku hor fadhiya deegaankaasi.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Somaliland aynan weerar ku aheyn Puntland oo aynan diyaar u aheyn in duulaan ay ku qaadaan balse taas badalkeeda ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan weerar waliba oo dhankooda kaga yimaado, waxa uuna Maamulka Puntland ee dirirtu kala dhaxeyso ku eedeeyay in ay sabab u yihiin soo laalabashda dagaalkaasi.

Dagaalka Tukaraq ayaa u muuqda mid marrba marka ka dambeysa soo cusboonaanaya iyadoo ay socdaan dadaallo QM ay ku dooneyso in ay ku xaliso colaadaasi balse wax natiijo sidaas u weyn aysan kasoo bixin iyadoo labbada dhinacba ay isku eedeenayaan balan ka baxyo.