Madaxweyne Muuse biixi Oo tababar u soo xiray ciidamo cusub+sawiro

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ay ku qalin-jabiyeen cutubyo dhibboo ah oo ka baxay dugsiga tababarka Jadiidka ee Darar-weyne, cutubyadaas oo ka mida ciidanka qaranka Somaliland.

Taliyaha dugsiga Tababarka Jadiidka Darar-weyne Gaashaanle sare Caamir Siciid Diiriye oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu dugsigaasi soo maray iyo horumarka uu gaaray, waxaana uu ammaanay ciidamada cusub ee carbiska dhammaystay.

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn dufcaddan katirsan ciidamada qaranka ee maanta qalin-jabiyey bogaadiyey, waxaana uu tilmaamay inay yihiin xoog cusub oo kusoo biiray cududda qarankani ku fadhiyo, isaga ciidamadana ku sifeeyey kuwo danta guud u dabran mar walba, waxaana uu yidhi, “Dhallinyarada maanta dhammaystay tababarkii koowaad ee ciidanka waxa aan leeyahay maanta waxa aad bilowdeen nolol qiimo iyo qaayo leh oo sharaf leh oo taariikh leh oo aanu qof waliba heli karin, mid soo mara hawsheeda iyo dhibteeda mooyaane, waxkastaana waxa ay ku yimaaddaan oo uu adduunku hore ugu maraa waa is maqalka iyo kala dambaynta, askarigana waxa la baraa adkaysiga maskaxeed, sidiisabana qofka ciidanka ahi meelkasta oo uu katirsan yahay waxa uu dadka kale kaga duwan yahay isagu dantiisa wuu iska illaawaa, waxaana uu ka shaqeeyaa danta qaranka, haddii aan ciidan jirinna qaran ma jireen.”