Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay wasiirka amniga Gudaha ayaa maantay booqday xerada tababarka Ciidamada daraawiishta ee Dhaankaroon.
Booqashadas ayaa qeyb ka ahayd dhiiragalinta iyo u kuurgelidda xaalada ciidamada iyo heerka uu marayo tababarka ciidamada Daraawiishta Galmudug uga socda halkaas.
Ciidamada daraawiishata Galmudug ayaa hadda tababar uga socdaa xerooyinka Indhaqaris iyo Dhaankaroone, ayadoo tababarka xerooyinkaas uga socda Ciidamada Daraawiishta uu meel wanaagsan marayo.
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa ku hawlan xareynta iyo uruurinta maleeshiyaadka ku kala firirsan Galmudug, waxaana hadda la qorshaynayaa in la furo xerooyin cusub lagu xaraynayo ciidamo cusub oo daraawiish ah.