Madaxweyne Qoor qoor oo Gaaray Xeraale.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor Ayaa Gaaray Degmada Xeraale Ee Gobolka Galgaduud.
Maamulka Degmada,Saraakiisha Ciidamada, Odoyaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka Qaybahooda Kaladuwan Ayaa soo Dhaweeyay Madaxweynaha.
Madaxweynaha waxaa Socdaalka Xeraale uu Ku Tagay Wehliyay Xubno Katirsan Qaybaha kale Ee DG Galmudug.
Madaxweyne Qoor qoor ayaa maalmihii lasoo dhaafay safar ku marayay Degmooyinka iyo deegaanada dhaca waqooyiga gobolka galgaduud.