Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo ka dhacday Muqdisho, taas oo ay ka soo qeyb galeen madax dowladeed, isimmo dhaqameedyo, culumaa’udiin, siyaasiyiin, waxgarad, haween iyo dhallinyaro ka kala yimid qeybaha kala duwan ee dalka.
Munaasabaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa muujisay qiimaha iyo kaalinta weyn ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed ku leeyihiin ilaalinta midnimada bulshada, xoojinta nabadda, iyo xalinta khilaafaadka. Ka soo qeybgalka Madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaamaya sida ay dowladdu muhiimad gaar ah u siineyso wada shaqeynta joogtada ah ee u dhexeysa hay’adaha dowladda iyo hoggaanka dhaqanka.
Intii ay socotay munaasabadda, waxaa la jeediyay khudbado kala duwan oo diiradda lagu saaray doorka isimada dhaqanka ee ku aaddan dib-u-heshiisiinta, ilaalinta qiyamka suuban, iyo dhiirrigelinta wada noolaanshaha bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa la muujiyay sida ay lagama maarmaan u tahay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo isimada si loo gaaro xasillooni waarta iyo horumar muuqda.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulamo la yeeshay qaar ka mid ah madaxda iyo isimada ka qeyb galay munaasabadda, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay mideynta bulshada iyo wadajir looga shaqeeyo danaha guud ee dalka. Wuxuu xusay in hoggaanka dhaqanka ay laf-dhabar u yihiin nabadeynta iyo xalinta khilaafaadka, islamarkaana ay door muuqda ku leeyihiin dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.
Ugu dambeyn, munaasabadda caleemo-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade ayaa noqotay mid xoojinaysa xiriirka bulshada iyo dowladnimada, iyadoo lagu muujiyay midnimo, wadajir iyo rajada laga qabo mustaqbal nabdoon oo horumar leh. Ka qeybgalka qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa sidoo kale muujiyay sida ay muhiim u tahay isku duubnida ummadda Soomaaliyeed.