Madaxweyne Qoor-qoor oo kormeeray Xarumaha Danta guud ee kuyaala Degmada Xarardheere ee G/Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo wasiirka Gaashaandhiga XFS iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Galmudug, ayaa kormeer kusoo maray qeybo badan o ka mid ah magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug,.

Madaxweynaha ayaa u kuurgalay xaalada nololeed ee bulshada reer Xarardheere ka dib markey dib ugu soo laabteen magaalada. Madaxweynaha ayaa kormeeriisa ku tagay xarumaha laga bixiyo  adeegga Bulshada sida Xarunta Degmada, Isbitaalka magaalada iyo saldhiga Booliska Degmada Xarardheere.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa dhageystay Aragtida iyo Dareenka Bulshada iyo baahiyaha ay qabaan maadama Degmada Xarardheere mudo 15 sano ah ay xukumayeen Alshabaab, taasi oo ay gacanta Galmudug soo gashay Dhawaan ka dib markii Ciidamada Dowlada Soomaaliya, Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo Ciidamada Deegaanka oo iskaashanaya.