Madaxweyne Qoor Qoor Oo lagu Soo dhoweeyay deegaanka Xero-dhagaxley

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo Wafdi Uu hoggaaminaya ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Deegaanka Xero-dhagaxley ee Gobolka Mudug oo ah Deegaan ku Caan ku ah Beeraha.

Wafdiga Madaxweyne Qoor Qoor oo ka ambabaxay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa siweyn loogu soo dhaaweeyay degaanka Xero-Dhagaxley ee Gobolka Mudug,waxaana ay booqdeen Beeraha ku yaalla degaankaas.

Madaxweynaha oo goob fagaaro ah kula hadlay dadka deegaanka, ayaa ka mahad celiyey soo dhaweynta diiran ee la soo sameeyay, Waxaa uuna u ballanqaaday dadka deegaanka in ay helayaan adeegyada asaasiga ah ee ay baahanyihiin sida biyo nadiif ah iyo waxbarasho.

Uga danbeyntii madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida dadka deegaanku ugu heellan yihiin tacabka iyo wax soo saarka isla markaana kula dardaarmay inay

Maamulka degaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa la filayaa in uu Madaxweyne Qoor Qoor uu kulan la qaato,waxaana warraka la helayo ay sheegayaan in sidoo kale uu u gudbi doono degaanka Bacaaweyne ee Gobolkaasi Mudug.