Madaxweyne Qoor Qoor Oo lakulmay Waxgaradka Cadaado

Wararka laga helayo Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in isfaham darro uu ku dhamaaday kulan halkaasi ay ku yeesheen qaar kamid ah Odayaasha iyo waxgaradka Magaalada & Madaxweynaha Galmudug oo safar halkaasi ku tegay.

Wararka ayaa sheegay in kulanka lagu soo hadal qaaday arrimo la xiriira xiisada ka taagan degaannada Qalaan Qale Iyo Xanaanbuure oo uu dalbaday Madaxweynaha Galmudug in isaga sigaar ah loogu wareejiyo, hayeeshee Odayaasha Cadaado ay ka hor-yimaadeen.

Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in markale ay kulan yeesheen Madaxweynaha Galmudug & Odayaasha iyo waxgaradka Magaalada Cadaado, isla markaana arrinta loo saaro Guddi ka kooban 7 Xubnood si la isugu soo dhawaado.

Degaannada Qalaan Qale Iyo Xanaanbuure ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka dhacay dagaal Beeleedyo soo laab laabtay, kuwaas oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo barakaca Boqolaal Qoys