Madaxweyne Qoor qoor oo sheegay in la dardargalin doono Howlgalada ka dhanka ah AS xili oo ka qeyb galayey Siyaar lagu dhigayey D/Baxdo.

Madaxweynaha Dowladda Goboleedk Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhiga XFS mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa ka qeybgalay siyaarada Xaaji Yuusuf Xasan oo ay galabta iskugu soo baxeen culimada magaalada Baxdo iyo deegaanada hoos taga.

Madaxweynaha oo khudbad kooban ka jeediyay xuska Siyaarta Sheeka, asagoona salaan iyo bogaadin kadib sheegay in la sii xoojin doono howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ee looga sifeynayo deeganada Galmudug iyo gabi ahaanba Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ammaanay culimada iyo dadka deegaanka doorkooda ku aaddan la dagaalanka kooxda Al-shabaab iyo sida reer Baxdo loogu xasuusto casharadii lama ilaawaanka ahaa ay u dhigeenka dhagar qabayaasha khawaarijta ah.