Madaxweyne Qoor Qoor oo soo gabagabeeyay booqashadiisii Waqooyi Bari

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa galabta ka dhoofay magaalada Laascaanood, kaddib maalmo uu ku sugnaa deegaannada Dowladda Waqooyi Bari, halkaas oo uu ka fuliyay safar shaqo oo muhiim ah. Madaxweynaha ayaa booqashadiisa ku saleeyay ka qaybgalka munaasabadaha qaran iyo kulammo la xiriira xoojinta xiriirka dowlad-goboleedyada.

Intii uu ku sugnaa deegaannada Waqooyi Bari, Madaxweyne Qoor Qoor ayaa si rasmi ah uga qayb galay xafladda caleema-saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Waqooyi Bari, taas oo ay ka soo qayb galeen madax iyo masuuliyiin heerar kala duwan leh. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa munaasabaddaasi ku bogaadiyay hoggaanka cusub ee la caleemo-saaray, isaga oo u rajeeyay guul iyo horumar.

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug ayaa kulammo gaar gaar ah la yeeshay Madaxweynihii iyo Madaxweyne ku xigeenkii la caleemo-saaray, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Waqooyi Bari. Kulammadaasi ayaa diiradda lagu saaray adkaynta nabadda, iskaashiga amniga, horumarinta xiriirka siyaasadeed iyo wada-shaqeynta guud ee u dhexeysa labada dowlad-goboleed.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xusay in booqashadiisu ay muujinayso sida ay Dowladda Galmudug uga go’an tahay xoojinta midnimada, wadajirka, iyo iskaashiga dowlad-goboleedyada dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, horumarinta bulshada iyo xasilloonida guud.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Galmudug ayaa galabta ka dhoofay magaalada Laascaanood, isaga oo kusoo gabagabeeyay safarkiisii shaqo, kuna wajahan inuu dib ugu laabto xarunta Dowladda Galmudug, halkaas oo uu ka sii wadi doono hawlaha qaranka ee horyaalla.