Madaxweyne Qorqor oo dib ugu soo laabtay Dhusamareeb kadib markii uu ka qayb galay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda Dowladda Galmudug ee Dhuusamarreeb kaddib maalmo uu shaqo ugu maqnaa magaalada Muqdisho, isagoo ka qayb galay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu qabtay caasimadda dalka.
Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Baarlamaanka mudane Maxamed Nuur Gacal, masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay wafdiga madaxweynaha.