Madaxweyne Shariif Xasan Oo kahadlay Cadaadiska uu kala kulmayo dowlada dhexe

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay Caddaadiska uu wajahayay maalmihii lasoo dhaafay ,taasoo ku aadaneyd in dowladda dhexe ay taageerayso musharaxiinta qaar.

Waxaa uu sheegay in ku kalsoon yahay xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed,islamarkaana uu rajo fiican ka qabo in uu markale noqdo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada ayuu ka codsaday in ay maanta badbaadiyaan Koonfur Galbeed ,maadaama u sheegay in dowladda dhexe ay ku heyso Caddaadis xooggan oo ka dhan ah.

Shariif Xasan ayaa xusay intuu ahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed in u sameeyay waxyaabo badan oo dani ugu jirto Shacabka kunool degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa qarka u saaran in uusan kusoo laaban kursiga Madaxtinimadda Koonfur Galbeed, ka dib markii Magaalada Baydhabo ay tageen Siyaasiyiin taageero ka helaya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwo Shacabku taageersan yihiin.