Madaxweyne Shariif Xasan Oo La Kulmay Masuuliyiin Socotay Hay’addo Caalami Ah+Sawiro

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Maanta Magalada Baydhabo waxa uu kula kulmay Wafdi ka kala socday EU,SSF,Holland,Sweden,iyo Norway

Kulanka labada dhinac ayaa waxa ay uga hadleen qodobo ay ka mid ahaayeen dhanka horumarka deegaanada Koonfur galbeed Soomaaliya iyo dhismaha Garoomada sida kan Magaalada Baraawe iyo Wadooyinka deegaannada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Hay’adahaas ayaa waxa ay sheegeen in ay doonayaan ka shaqeynta horumarka Koonfur Galbeed sid ay wadashaqeyn wanasgan u dhexmarto masuuliyiinta Maamulka koonfur Galbeed

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay in laga doonayo hay’addaha in ay maamulka Koonfur Galbeed kala Shaqeeyaan dhinacyada horumarka,dhismooyinka Garoomada iyo Wadooyinka deegaannada Koonfur Galbeed.

 Daawo Sawirrada