Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo kulan kula qaatay nabadoonnada, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Gobolka Mudug.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Gobolka Mudug, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha amniga, xasilloonida, horumarka iyo mashaariicda muhiimka ah ee Puntland ay ka waddo gobolka.
Madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda amni ee gobolka iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta u dhexeysa bulshada, waxgaradka iyo hay’adaha amniga, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida deegaanka.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulanka ku soo bandhigay mashaariicda horumarineed ee Puntland ay ka waddo Gobolka Mudug, kuwaas oo la sheegay inay wax weyn ka tari doonaan adeegyada bulshada iyo isku-xirka gobollada Puntland.
Mashaariicdaasi waxaa ka mid ah dhamaystirka jidka isku xira magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe, oo ah waddo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka, sidoo kalena door weyn ka qaadan karta fududeynta ganacsiga iyo isu socodka bulshada.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono mashruuca biyo-saarka magaalada Gaalkacyo, kaas oo loogu talagalay in wax looga qabto baahida sii kordheysa ee magaalada ka jirta dhinaca helitaanka biyaha.
Madaxweyne Deni ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo amniga iyo xasilloonida Gobolka Mudug, isaga oo ku boorriyey nabadoonnada iyo odayaasha dhaqanka inay sii wadaan doorkooda ku aaddan nabadaynta, xalinta khilaafaadka iyo isku-xirka bulshada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in amni waara uu yahay saldhigga horumarka iyo hirgelinta mashaariicda adeegyada bulshada, sidaas darteedna loo baahan yahay in dhammaan qaybaha bulshada ay kaalin ka qaataan ilaalinta nabadda.
Dhanka kale, odayaasha iyo nabadoonnada Gobolka Mudug ayaa Madaxweynaha la wadaagay aragtidooda ku aaddan xaaladda gobolka, iyagoo soo bandhigay talooyin la xiriira amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo dardargelinta mashaariicda ka socda Gobolka Mudug.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta Puntland, odayaasha dhaqanka iyo bulshada, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo horumarka Gobolka Mudug.