Madaxweyne Siciid Deni oo kormeeray ceelasha iyo xarunta sifeynta biyaha ee shirkadda NUWACO ee Garoowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Shirkadda Biyaha ee Garoowe (NUWACO), gaar ahaan ceelasha biyaha ee shirkadda iyo xarunta sifeynta biyaha macaan ee magaalada Garoowe.

Madaxweynaha ayaa halkaasi warbixin faahfaahsan ka dhegaystay mas’uuliyiinta shirkadda NUWACO, isaga oo wax ka weydiiyey xaaladda guud ee adeegga biyaha magaalada, xaddiga biyaha ay shirkaddu soo saarto, iyo qiimaha lagu iibiyo biyaha oo u kala baxa laba nooc, kuwa macaan iyo kuwa qaraar.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa mas’uuliyiinta shirkadda kala hadlay qorshayaasha lagu horumarin karo adeegga biyaha ee magaalada Garoowe, gaar ahaan sidii loo kordhin lahaa helitaanka biyaha macaan, loona gaarsiin lahaa dhammaan xaafadaha iyo bulshada ku dhaqan magaalada.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Madaxweynaha ayaa soo indha-indheeyey ceelasha biyaha ee shirkadda NUWACO ee ku yaalla Ligle iyo Ceel-fulla, isaga oo sidoo kale booqday warshadda sifeysa biyaha, halkaas oo lagu diyaariyo biyaha macaan ee ay isticmaalaan dadka ku nool magaalada Garoowe.

Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ku qiimeeyey habsami u socodka shaqada xarumahaasi, awoodda ay u leeyihiin soo saarista iyo sifeynta biyaha iyo adeegyada ay shirkaddu u fidiso bulshada. Waxa uu sidoo kale warbixinno dheeraad ah ka dhegaystay mas’uuliyiinta ku shaqada leh maamulka iyo hawlgalinta xarumaha biyaha.

Kormeerka waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, maamulka degmada Garoowe iyo kan gobolka Nugaal, mas’uuliyiinta shirkadda NUWACO iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah kormeerrada Madaxweynaha Puntland uu ku sameynayo xarumaha adeegyada bulshada, iyadoo diiradda la saarayo xaaladda kaabayaasha dhaqaalaha, helitaanka adeegyada aasaasiga ah iyo sidii loo horumarin lahaa baahiyaha ay bulshada reer Garoowe u qabaan biyo nadiif ah oo ku filan.