Madaxweyne Somaaliya oo warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiir cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dalka Belgiumka u fadhin doona Soomaliya Nicolas Nihon.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war bixin kooban ka siiyay Safiirka cusub ee Belgeum-ka u fadhin doona Soomaaliya xaaladda Dalka iyo sida ay Soomaaliya ugu baahan tahay xilligan saaxiibbo caawiya, Danjire Nicolas Nihon ayaa isna dhinaciisa muujiyay sida ay Dowladdiisu ugu hanweyn tahay  inay garab istaagto Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud, ayaa sheegay in Belgeum-ka iyo Soomaaliya uu u dhexeeya xiriir iyo isfaham aad u fiican.wuxuuna ku tilmaamay horumar weyn oo ay Soomaaliya ku tallaabsatay.

“Safiirka Belgium-ka Madaxweynaha wuu ka guddoomay warqadihiisii aqoonsiga ee Danjirenimo, taasina waxay muujinaysaa Dowladda Soomaaliya inay dib ula soo noqonayso Safaaradaheedii dhammaan Adduunka ka jiray,waxaan is leeyahay wax yar oo fara ku tiris ah ayaa ka harsan Yurub iyaga waddada ayay kusoo jiraan” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda.