Madaxweynaha Somaaliya Oo kusii jeedda Sacuudiga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kusii jeedda dalka Sucuudiga Carabiya halkaasi oo uu kaga qeyb gali doono Shirka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha ayaa lagu waddaa in uu shirkaasi ka jeediyo Khudbad uu kaga hadlaayo Xaaladda Soomaaliya.

Kulamo kala duwan ayuu la qaadan doonaa Madaxda Shirkaasi ka qeyb gali doonta.

Waxaa sidoo kale soo baxaya Warar sheegaya in dowladda Sucuudiga ay dhex dhexaadin doonto dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo ay ka dhaxeyso Xiisad siyaasadeed