Madaxweyne Trump oo amray qareenkiisa inuu been u sheego Congress-ka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu ku amray qareenkiisa inuu aqalka Congress-ka uga been sheego dadaallo uu doonayey inuu daar loogu magaca daray Trump Tower uga dhiso magaalada Moscow.

Warbahainta BuzzFeed News ayaa sheegtay in warkan ay kasoo xigatay laba sarkaal, oo ka tirsan hay’adaha sharci-fulinta Mareykanka.

Ilo-wareedyadan ayaa sheegay in qareenkii hore ee Trump, Michael Cohen uu u sheegay Robert Mueller oo ah baaraha faro-gelinta Ruushka, in madaxweynaha uu ku amray inuu Congress-ka uga been sheego la-macaamilkiisa Ruushka.

BuzzFeed waxa ay sheegtay in ilo-wareedyada ay warkan kasoo xigatay ay sidoo kale ku lug leeyihiin baaritaanka lagu sameynayo arrintan.

Sida ay BuzzFeed sheegtay, Trump iyo labadiisa caruur, Ivanka iyo Donald Jr, ayaa mar kasta faah-faahin ku saabsan mashruuca dhismaha Trump Tower ee Moscow ka heli jiray Cohen oo ay madax uga dhigeen.

Xubnaha diqmoqraadiga ee aqalka wakiilada Mareykanka ayaa sheegay in arrintan ay tahay dambi weyn, islamarkaana ay sameyn doonaan baaritaan ay uga gun gaarayaan xaqiiqda.