Madaxweyne Trump Oo iska fogeeyay Warka Sheegaya in Congress-ka been loo sheego

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu iska fogeeyay warbixin lagu sheegay inuu isagu amray qareenkiisii xilligaas, Michael Cohen, inuu been u sheego Kongareeska.

Warbaahinta Buzzfeed ayaa waxa ay sheegtay in Mr Trump uu Cohen faray inuu been ka sheego qorshihiisa uu magaalada Moscow uga dhisayo dhismaha Trump Tower. Cohen ayaa bishii la soo dhaafay waxaa loo xukumay kiiskaasi.

Mr Trump ayaa waxa uu sheegay in qareenkaasi uu been ka sheegay mashruucii uu ka fulinayay Moscow si uu “hoos ugu dhigo waqtiga uu xabsiga ku qaadanayo”.

Siyaasiyiinta Xisbiga Dimuqraadiga ayaa waxa ay sheegayaan inay baari doonaan eedaha lagu daabacay warbaahinta Buzzfeed.

Maxay warbixintu sheegaysaa?

Warbaahinta Buzzfeed ayaa waxa ay sheegaysaa in warbixinteedu ay ku salaysan tahay marqaati kac ay sameeyeen laba askari oo arrintaasi baarayay.

Warbixinta ayaa waxa ay sheegaysaa in Mr Trump 10 jeer xog shakhsiyadeed oo ku saabsan qorshaha uu dhisme uga dhisayo magaalada Moscow ka helay Cohen, xilligaas oo uu Trump diiday inuu wax xiriir ganacsi la leeyahay Ruushka.

Gabadha Mr Trump, Ivanka, iyo wiilkiisa, Donald Jnr, ayaa sidoo kale xogta ugu dambaysay la siiyay, warbixinta ayaa sidaas lagu sheegay.

Robert Mueller oo ah qareen si gaar ah u baaraya arrimaha federaalka Mareykanka ee ku aaddan eedaha ah in Ruushku uu ku lug lahaa doorashadii madaxtinimada ee waddankaasi iyo in xogta ololihii Trump si sharcidarra ah ay dad kale ugu lug lahaayeen, ayaa waxa uu goorhoraba shaaciyay in Cohen uu been ka sheegay taariikhda uu dhammaaday mashruuca dhismaha Trump Tower ee Moscow.

Cohen ayaa waxa uu Kongareeska u sheegay in wadahadallada qorshahaasi ay dhaceen intii u dhaxaysay bishii Sibteembar 2015 iyo Janaayo 2016, hasayeeshee dikumintiyada lagu kaydiyo cabashada dambiyada ayaa waxa ay muujinayaan in wadahadalladaasi ay socdeen ilaa bishii Juun.

Cohen ayaa waxa uu sheegay in qorshahaasi la hakiyay goor sii horraysay iyadoo la isku dayayo in “la yareeyo xiriirka ka dhaxeeya qorshaha Moscow iyo Mudanaha Koobaad” intii uu socday ololaha doorashada. Mudanaha Koobaad ayuu Cohen goor sii horraysay waxa uu ku tilmaamay inuu yahay Mr Trump.

Warbaahinta Buzzfeed ayaa waxa ay sheegaysaa in Cohen uu baarayaasha u sheegay in Mr Trum uu “shakhsiyan isaga u sheegay inuu been ka sheego” taariikhda ay wadahadalladu soo dhammaadeen “si humaag loo geliyo ku lug lahaanshiyaha Trump”.

Warbixinta ayaa waxa sheegaysaa in Mr Mueller uu hayo caddeyn kale, oo uu ka mid yahay wareysiyo uu la yeeshay qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda Trump iyo xog uu ka helay emaillada gudaha shirkadda, si loo xaqiijiyo dhacdooyinka uu Cohen sheegay.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Mr Trump uu Cohen ku dhiirigeliyay inuu qorsheeyo safar uu kula kulmo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin intii uu socday ololaha doorashada.

Cohen ayaa waxaa bishii Diseembar lagu xukumay 36 bilood kaddib markii uu qiray inuu been Kongareeska uga sheegay qorshaha Trump Tower. Waxaa kale oo uu qiray in lagu xadgudbay dhaqaalaha lagu bixiyo ololaha iyo canshuur lala baxsaday.

Maxkamadda ayuu ka hor sheegay in “daacadnimada indha la’aanta ah ee uu u hayay Trump ay taagdarraysay” kaas oo “ficilladiisii xumaa” ee shaqada looga dhigay inuu u raad gado.