Madaxweyne Waare oo Dowlada ugu baaqay in Ay waxkaqabto tabashada jabuuti

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku baaqay in dowladda Soomaaliya ay xaliso tabashadda ay soo jeedisay dowladda jabuuti.

Waare oo hadda ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in dowladda Jabuuti iyo Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin walaalo waligoodna ay ahaan doonaan.

“ Waxaan ognahay wixii aad noo gasheen , garabkiina ayaa nahay walaalaha reer Jabuuti, Ilaa adduunyada laga duubo ayaan walaal nahay oo daris nahay” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Maxamed Cabdi Waare ayaa ku tilmaamay Isbadelka ka socda Geeska Afrika in uu yahay mid wanaagsan oo u baahan in la xoojiyo, laakiin marwaliba ay jirikaraan Caqabado.

Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ku yimid gaabis ka dib Markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku dhawaaqay in cunaqabateynta hubka laga qaado dowladda Erateriya.