Madaxweyne Waare oo la kulmay Bulshadda Baledweyne

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa kulamo kala duwan la qaatay Bulshadda kunool Magaaladaasi.

Madaxweyne Waare ayaa Odayaasha dhaqanka kala hadlay Xiisaddii ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay Duqii magaalada Baledweyne.

Waxgaradka ayaa sidoo kale Madaxweyne Waare ka codsaday in uu wax ka qabto dhibaatooyinka dhanka canshuuraha ah ee ka taagan gobolka Hiiraan.

 Waare ayaa sheegay in bulshadda kunool Baledweyne laga doonaayo in ay la shaqeeyaan maamulka Baledweyne si loo Afjaro Khilaafka iyo dagaalka ka dhaca Hiiraan.